Somali
AQOON U YEELO XUQUUQDAADA:
U-CODEYNTA SOO-JEEDINTA UGU DAMBEYSA EE HESHIISKA
British Columbia and Ontario
Select your language below
Waa maxay “U-Codeynta Soo-Jeedinta Heshiiska Ugu Dambeysa” waana maxay sababta ay tahay in aan wax uga ogaado?
- Gobolada Onteeriyo/Biritish Kolombiya, ka hor inta aysan bilaabmin shaqo joojintu, waxaa loo-shaqeeye ka codsan karaa dawlad goboleedka in ay xubnaha ururka shaqaaluhu u codeeyaan “soo-jeedinta heshiiska ugu dambeysa” ee loo-shaqeeyaha.
- Marka loo-shaqeeye codsado adeegsiga xeeladda “u-codeynta soo-jeedinta heshiiska ugu dambeysa” taasu waa in ay ku cadaadiyaan shaqaalaha in ay qaataan heshiis xun oo liita. Taas waxaa looga jeedaa in lagu cabsiiyo oo shaqaalaha lagu galiyo khatar heshiis xun oo aysan ka bixi karin sanado fara badan.
- Annaka shaqadeenu ka guddiga gorgortanka ururka shaqaalaha ahaan waa in aan uga la doodno loo-shaqeeyaha soo-jeedinta heshiiska ugu wanaagsan ee suutagalka ah
- Marka loo-shaqeeye adeegsado xeeladda “u-codeynta soo-jeedinta heshiiska ugu dambeysa” waxay si ula kac ah u garab marayaan guddigaaga gorgortanka waxayna isku dayayaan is ay shaqaalaha kala qeybiyaan si ay ugu abuuraan cabsi iyo jaahwareer.
Maxaa dhacaya haddii loo-shaqeeyaheenu shaqaalaha u diro “U-Codeynta Soo-Jeedinta Heshiiska Ugu Dambeysa?”
- Loo-shaqeeyuhu wuxuu u diri doonaa shaqaalaha ogeysiis ay ku jiraan xogo ku saabsan soo-jeedintoodii heshiiska. Waxay u qaabeyn doonaan sidii heshiis macquul ah oo lagu la galo heshiis cusub.
- Wasiirka Shaqada ee gobolku wuxuu iimeyl ahaan ku wargalin doonaa dhammaan kooxda shaqaalaha codbixin khadka internetka ah oo lagu weydiin doono in ay u codeeyaan soo-jeedinta heshiiska ee loo-shaqeeyaha.
- Ma ahan in aad inaba ogolaatid soo-jeedinta heshiiska ugu dambeysa ee madaxda – waxaad awood u leedahay in aad ku CODEYSID MAYA!
- Haddii aqlabiyadda codeyntu noqoto MAYA macnaheedu waa in guddiga gorgortanka ururkaaga shaqaaluhu ay dib ugu laaban karaan gorgortanka si ay ugu guuleystaan heshiis ka fiican.
- Dabadeedna, haddii aan diyaar u nahay, WAXAAN SAMEYN KARNAA SHAQO JOOJIN!